”Waxa muddooyinkii u dambeeyay in shirkad macdan qodis ah ay si sharci darro ah macdan uga qodaysay Deegaanka Degmada Agabar ee Gobolka Gabiley, shirkadan oo caadaysatay inay khayraadkii Deegaanka Agabar ay la baxaso, kana baxday heshiiskii ay dadka deegaanku la galeen iyadoo khayraadkaa Macdanta ay mudo ba socoto qodisteedu,
Degmada Agabar na aan waxba kaga celin. Macdanta Deegaanka laga qodayo ayaa ah Dahab, waxana markii hore ku soo gashay sahamin macdan Lithium-ka, iyadoo odayaasha Magaalada Agabar dhowr jeer loo adeegsaday xadhig iyo cabudhin iyo cago-juglayn iyo awood ciidan, iyadoo bulshadiina iska hor keentay una adeegsana dhaqaale,
waxana 4 bilood ee u dambayeeyay Waxgaradka Deegaanka isku dayeen inay sharciga maraan oo shirkadaasi sharciga la tiigsadaan, balse ilaa hada waxba lagama qaban, Wasaaradihii ay la xidhiidheena waxba kama qaban.
Degmada Agabar waa degmo ku hodan ah Khayraadka Macdanta waa khayraadka kaliya haysato waana deegaan baahi wayn u qaba in baahiyaha arimaha bulshada wax la qabto, sida waxbarashada iyo caafimaadka iyo biyaha iyo Wadooyinka oo adag waana deegaan buuralay ah oo wax-soosaarka beeraha ay adag tahay in si fudud loo soo gaadhsiiyo suuqyada Hargaysa iyo Gabiley.
Dadka Deegaanka Agabar waxa la gudboon inay Khayraadkooda ilaashadaan oo difaacdaan oo shirkadaas sharci darrada ku guranasa iska difaacaan si khayraadkoodu ugu noqdo il dhaqaale Degmada lagu horumariyo oo laga helo cashuur iyo dakhli iyo wax soo saar wax lagaga qabto baahiyaha Degmada Agabar.
Waxaanu garab taaganahay Bulshada Deegaanka Agabar, waxana aanu u taaganahay in Bulshada Agabar hesho xaqeeda oo aan khayraadkeeda dad gaar ahi jeebka ku shuban.”
Xildhibaan Cabdikariim Maxamed