Maayarka Hargeysa oo furay tababar ku saabsan maareynta khataraha masiibooyinka

0
794

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maayarka caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa maanta furay tababar ku saabsan wadajirka maaraynta khataraha masiibooyinka iyo doorka dowladdaha hoose ee qorshaha horumarinta qaranka.

Tababarkan oo ay soo agaasimeen Ururka Dowladdaha Hoose ee Somaliland ALGASL oo kaashanaya Hay’adda VNG ee mashruuca Danwadaag, ayaa waxa ka qayb qaadanayay agaasime waaxeedyada  iyo hawl-wadeenada Dowladdaha Hoose ee degmooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, Borama iyo Gabliey.

Tabobarkan oo socondoona muddo 2 maalmood ah waxaa uu diiradda saarayaa habraacyada iskaashiga iyo wadajirka maareynta khataraha masiibooyinka ee heer degmo, tabobarkani waxaa uu sidoo kale ka caawinayaa ka soo qaybgalayaasha fahamka doorka dowlahadah hoose ee dalku kulleeyinihiin hirgelinta qorshaha horumarinta qaranaka si loo gaadho hiigsiga iyo himilada qorshaha horumarinta qaranka.

Ugu horayn, waxaa furitanka shirka ka hadlay Agaasimaha Fullinta ee Ururka Dowladdaha Hoose ee Somaliland ee ALGASL, Khaalid Cabdi Xirsi iyo Wakiilka ha’yadda VNG Cabdiraxmaan Yuusuf ka hadlay ahmiyadda kulanka iyo mashruuca ay wada maamulan ururka ALGASL.

Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo gabagabadii shirka hadal ka jeediyay, ayaa waxa uu tilmaamay in ay aadduunyadu isbeddeleyso, cimiladuna isbeddeleyso, taasina ay u baahantay qorhse iyo u diyaargarow loo dhanyahay, si loo wajaho habsami u maareynta khataraha kala duwan ee ka dhasha masiibooyinka iyo isbeddelka cimilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here