Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay si adag uga jawaabtay hadalkii maanta ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ee uu kaga hadlay heshiiska ay wada gaadheen dowladdaha Somaliland iyo Itoobiya iyo waxaa ay ku diidan yihiin in Itoobiya deked hesho.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ayna isku haysan in Itoobiya badda gaadho, balse ay isku haystaan sida ay Itoobiya badda ku soo gaadhayso ama wadada ay u soo marayso.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dekedaha Madaxweynaha Soomaaliya u soo bandhigay Itoobiya aanay ahayn fikir ahaan wax suurtogeli kara oo maangal ah.
Wasiirka Daakhiligu wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray, waxaanu tilmaamay in aanu Xasan Sheekh weli helin hadafkuu doonayey.
Wuxuu caddeeyay in heshiiska is-fahan ee Somaliland iyo Itoobiya aanu ku wajahnayn dekedaha uun, hase ahaatee hindisaha Xasan Sheekh u soo bandhigay Itoobiya aanu u tisqaadi karin suurtogalnimada iyo hannaankii uu ku meelmari lahaa qorshihiisu.
Sidoo kale, Wasiirka wuxuu xusay in Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Marwo Rooda Jaamac Cilmi ay si wax ku ool ah u sharraxday 26kii January ee sannadkan ujeeddada uu ku saabsan yahay Hindisaha madaxweynaha Soomaaliya u soo jeediyay Itoobiya.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray xataa haddii Itoobiya aqbasho dekedaha uu ka hadlayo Xasan Sheekh, in marsada keliya ee uu xukumaa tahay dekedda Muqdisho oo caasimada Addiss Ababa ee Itoobiya u jirta 1600 Km.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland wuxuu iftiimiyay inay jiraan duruufo khalafsan oo la xidhiidha in Al-shabaab ay ka taliso inta badan dhulka u dhexeeya Muqdisho iyo xudduuda Itoobiya, taasi oo ay u dheer tahay in kaabeyaasha dhaqaalaha ee waddooyinku ka mid yihiin ay aad u liitaan, taasina ay hindisaha Xasan Sheekh ka dhigayso mid aan dhammaystirmi karin.