Hargaysa (HP): Maamulka dawlada hoose ee caasimada Hargeisa oo uu ogaaminaayo maayar Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa booqday Xarunta Dhireynta wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ee magaalada.
Xarunta dhiraynta oo ku taalla isla dhismaha wasaaradda deegaanka ee Hargaysa, waxaa maayarka iyo xubnihii la socday ku soo dhaweeyey masuuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka Cabdikariin Aadan Siciid.
Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka ayaa maayarka iyo xubnihii wehelinayay siiyay warbixin ku saabsan Dhirta xaruntaasi lagu beeray iyo noocyadda ay ka kooban yihiin.
Waxaanu agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanku maayarka u balan qaaday inay kala shaqayn doonaan qurxinta iyo Bilicda caasimadda Hargeisa, si loo helo magaalo Cagaaran, Bilicsan oo Nadiif ah.
Geesta kale wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa Maalinta Dhir-beerista Qaran oo ku beegan 15-ka bishan April waxay sanadkasta qaybisaa Dhir badan si bulshadda reer Somaliland ay u beeraan.
Sanadkana wasaaradda Deegaanka waxa u qorsheysan inay qaybiyaan dhir aad u badan si loo balaadhiyo Dhir-beerista waddanka.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.