Maayarka Gabiley Oo Kaaraanti Lasoo Galiyay Markii La Ogaadey In Uu Dalka Keenay Wafti Aan La Baadhin iyo Dareennada ku Xeeran

0
1144

Gabiley,(HargeisaPress)- Gudida Ka Hortaga Xanuunka Crona-Virus Ee Heer Qaran  ayaa Kaaraanti Soo Galiyay Maayarka Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi kadib markii la Ogaadey in uu Dalka Soo galiyay,Wafti kasoo Raacey dhinaca Dalka Britain.

Sida ay u Xaqiijiyeen Warar Xogogaal ahi Shabakada Wararka HargeisaPress Waxaa la Sheegay, in Ciidamada Booliska Somaliland iyo Baabuur Nooca Caafimaadka ee Umbalance ahi kasoo Qaadey Magaalada Gabiley kadib markii Gudida Heer Qaran ee Ka Hortaga Cudurka Crona-Virus ay ku amreen in lasoo karaantimeeyo Maayarka Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi oo dhawaan kasoo laabtey Dalkaasi Ingiriiska Islamarkaana, ay kadaba Yimaadeen Wafti uu isagu Ku Martiqaadey Magaalada Gabiley oo hogaaminayso, Haweenaydii usoo Dirtey Fiisaha Dalka Ingiriiska oo kadaba imaanshaheedu ahaa Mid si dhakhso ah ku yimid, iyagoo Safar Socdaal ah kaga Soo Gudbey Dhinaca Xuduuda u Dhexeysa Somaliland iyoo Itoobiya, oo kasoo Gudbeen ka hor intii aan la Xidhin Xuduuda u Dhexeysa labada Dal Somaliland iyo Itoobiya.

Dadweynaha Reer Gabiley, iyo Guud ahaanba Shacabka Somaliland ayaa, Sweyn u hadalhayey Talaabadan lagu Qaadey Maayarka Gabiley oo aan Is ogeysiin Xukuumadda iyo Wasaarada uu Maamul ahaan Hoos Yimaado ee Arimaha Gudaha Waxaana lagu Waddaa in Amarka lagu soo Kaaraantimeeyay uu Bixiyay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo sida la Sheegy Wakhti dambe ka war helay Soo Gurya Noqoshada Maayarka Degmada Gabiley.

Geesta kalena, Dadweynaha Ku Nool Magaalada Gabiley ayaa Maalmihii u dambeeyay Dareen aad u Weyn ka muujiyay Sida dhakhsaha ah ee ay Maayarka uga Daba Timid Haweeneydii Bixisay Fiisihii uu Ku Tagey Dalka Ingiriiska oo lasoo Tusey Dhawaan Qeybo kamid ah Gudaha Magaalada Gabiley, Sida ay Wararku Tibaaxeena isla Gabiley laga Siiyay Dhul ay La Damacsan Tahey in ay ka Dhisato Guryo ay Ku Yeelan Doonto Magaalada Gabiley, iyadoo Socdaalkeeda loo arkey Mid uu Maayarku ka Laaluushayo Fiisihii Martiqaadka ahaa.

Sikasta ha ahaatee Waxaa Maayarka Gabiley lagu Kaaraantimeeyay Dhinaca Caasimada Hargeysa, Gaar ahaan Huteelada la Geeyay Dadkii dhawaan Kusoo Noqdey dalka ee intooda badani ka Yimaaden Dalaka Yurub.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here