Sool: Badhasaabka Oo Bulshadda U Diray Baaq Ku Aadan Caabuqa Covid19

0
656

Laascaanood (HP): Iyadoo guud ahaanba xukuumadda Somaliland si weyn uga diyaar garawday xanuunka aduunka sida aadka ah ugu faafay ee Covid19 ayaa badhasaabka Sool waxa uu fariin wacyigelin ah u diray bulshadda gobolkaasi.

C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa ugu baaqay bulshadda gobolka Sool in ay u hogaansamaan soo jeedinta iyo farriimaha caafimmaad ee ku aaddan caabuqa Covid-19.

Waxaanu ugu baaqay bulsho-weynta gobolkaasi in ay ku dedaalaan kor qaadista nadaafadda isla markaana la xakameeyo kulamada aan daruuriga ahayn.

“Waxaan bulshada gobolka Sool ugu baaqayaa inay u hoggaansamaan soo jeedinta iyo farriimaha caafimmaad ee ku aaddan caabuqa Covid-19 oo noqday khatar caafimmaad oo caalamiya.

Si gaara ah qaybaha kala duwan ee ummadda gobolka waxaan ku boorinayaa kor qaadista nadaafadda isla markaana la xakameeyo kulamada aan daruuriga ahayn”ayuu ku yidhi badhasaabka Sool, qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa Facebook..

Geesta kale Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, waxa uu sheegay in ay ka gobol ahaan ka go’an tahay tallaabo kastoo lagaga gaashaamanayo xauunka Corona Virus.

Waxaanu ku booriyay dadweynaha reer Sool in ay guddiga heer gobol ee ka hor taga xanuunkaasi kala shaqeeyaan in si wada jir ah looga shaqeeya ka hor taga Virus-kaasi.

Waxaanu yidhi, “Xukuummadda Somaliland iyo ka maamul gobol ahaan waxaa naga go’an tallaabo kasta oo lagaga gaashaman karo Coronavirus-ka.

Waana sababta keentay in la kala magacaabo guddi heer qaran iyo heer gobol ah. Waxaana ku baaqaya dhego nugayl, wadaagidda talo iyo tusaalaha qayb ka qaadanaya ka hortegga xanuunkan inay kala shaqeyaan guddiyadan insha ALLAAH”.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here