Maayarka Burco iyo Golaha Deegaanka Oo Khilaaf Soo Kala Dhex Galay

0
434

Burco (HP): Fadhigii saaka ee golaha deegaanka degmada Burco ayaa baaqday kadib markii uu muran iyo khilaaf xoog leh uu soo kala dhex galay xildhibaanadda iyo maayarka Burco.
Waxaana la sheegay in khilaafkaasi soo kala dhex galay guddoomiyaha golaha deegaanka Burco iyo mudanayaasha golaha deegaanka ayaana sababay in saaka uu qabsoomi waayo fadhigii loo balansanaa.
Kadib markii uu fadhigu baaqday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay xubno ka mid ah golaha deegaanka Burco, waxaanay faahfaahin ka bixiyeen waxa sababay baaqashadda fadhigii saaka.
Xildhibaanadaasi ayaa maayarka Burco ku eedeeyay inuu ku kacay musuq maasuq, iyadoona ay eedahaasi ay u jeediyeen darteed isagoo maayarku ka gabanaya uu ka baaqday inuu fadhiga yimaado.

DAAWO: Xildhibaanadda Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here