Berbera (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa waxaa ay sheegayaan in caawa la toogtay Maareeyihii Shirkadda Laydh-ka ee magaalada Berbera.
Waxaa ay wararka na soo gaadhayaan ay tibaaxayaan in Maareeyaha lagu toogtay xaafada la magacaabo Dibiga iska-eeg ee barmataha magaalada Berbera.
Maareeyaha, ayaa la sheegay in uu toogtay mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Laydh-ka, oo hore uga shaqayn jiray Shirkadda.
Waxaa lagu soo waramayaa in Maareeyaha uu dhaawac ka soo gaadhay toogashada, isla-markaana loola cararay cusbitaalka guud ee magaalada Berbera oo xaaladiisa lagula tacaalayo.
Ma cada sababta keentay toogashada Maareeyaha Shirkadda Laydh-ka ee magaalada Berbera iyo waxaa sababay.
Hase yeeshee, ninkan toogtay Maareeyaha, ayaa waxaa la sheegay in hore uga mid ahaa Shaqaalaha Shirkadda, isla-markaana laga eryay shaqada.
Laamaha amaanka, ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin toogashada Maareeyaha Shirkadda Laydh-ka ee magaalada Berbera iyo sababta ka dambaysay toogashadiisa.