Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa oo Bristol nagu soo Booqday Amb. Kaysar Cabdilaahi

0
1007

Asalaamu Calaykum,Farxad weyn ayay Jaaliyada reer Bristol u ahayd inay Magaalada nagu soo booqdaan Masuuliyiin uu hor kacayay Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee Caasimada Hargeysa Mudane Ibraahim Siyaad Yoonis iyo laba Khabiir oo wehelinayay.

Maareeye Ibraahim ayaa waxa uu Warbixin Cilmiyaysan oo aad iyo aad loogu bogay waxa uu ka bixiyay Hawlaha Wakaalada iyo Mashaariicda kala duwan ee lagu balaadhinayo laguna Talo jiro sidii uu Muwaadin kasta oo Caasimada ku nooli uu u heli lahaa Biyo ku filan oo nadiif ah, waxa uu Maareeyuhu tilmaamay in mudada ay Xukuumadu talada haysay ay geed dheer iyo mid gaabana ay u fuuleen sidii loo xaqiijin lahaan in Muwaadiniinta Caasimada ku nooli ay u heli lahaayeen Biyo ku filan oo Nadiif ah. Waxa kale oo uu tilmaamay in ay ku guulaysteen in ay Dunida ka helaan taakulo balaadhan dhawaana Isbedel muuqda oo loo aayo ay ku iman doonaan sidii Biyaha loo gaadhsiin lahaa Bulshada, iyada oo Qalabkii hawshaas lagu fulinayay ay Dalka soo gaadheen ilaa Shan boqol oo kontaynar oo qalabkii uu ku jiraana ay dhawaan soo gaadheen, dhawaana la bilaabi doono dhigista dhuumaha biyaha qaada, waxaana uu xusay in Wakaalada ay u degsan tahay Qorshe Cilmiyaysan oo la raacayo laguna gaadhi doono Himilada iyo Yididiilada Shacbiga Caasimadu ay ku higsanayaan inay Biyo ku filan helaan.

 

11694002_10153039152272469_2745626536247483339_n

Waxa uu ahaa Kulan Yididiilo iyo Rajo fiican ku abuuray qof kasta oo madasha joogay, waxaana dadka aad usoo jiitay sida Cilmiyaysan ee uu Maareeye Ibraahim Siyaad uu u soo bandhigay ugana jawaabayay su’aalaaha la xidhiidha Biyaha caasimada, taasoo si weyn la isula af gartay in Biyuhu ay yihiin Nolosha, loona baahan yahay in dhamaan Shacbi iyo Xukuumadaba gacmaha la is qabsado oo laga wada shaqeeyo sidii aynu u gaadhi lahayn yoolka aynu higsanayno.

 

mare

Waxaan u Mahadnaqayaa Jaaliyada Bristol iyo Maareeyaha iyo Masuuliyiintii la socotay ee ay ka mid ahaayeen Eng. Kamaal iyo Eng. Xasan oo iyaguna si qotodheer u falanqeeyay Caqabadaha jira iyo Rajooyinka Muuqda iyo habkii lagu gaadhi lahaa.

 

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here