HARGEISA, (HargeisaPress) — Shirkada kaluunka ee Moon Fishing ayaa Carwadan maanta ka furantay Hargeysa ee kalluunka ku soo bandhigay kaluuno kala duwan iyada oo carwadu soconeysaa saddex maalmood iyada oo dadkuna saaka iibsanayeen kalluulo kala nooc ah oo ay Shirkada kaluunka ee Moon Fishing keentay carwada.
Waxaa kaloo shalay lagu qabtay magaalada Berbera dabbaaldeg doonyaha soo saara kalluunka iyo sharikadaha kalluunka iyo dekedda berbera ay ku soo bandhigeen noocyada kalluunka laga soo saaro badda Somalilnd.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka
Geesta Kale, Maareeyaha guud ee shirkada Moon Fishing Daahir Maxamed Gamuur ayaa maanta carwada kaga dhawaaqay inay 200 kilo Ugu Deeqay n Xarunta Agoomaha Hargeysa iyo Xarunta dhimirka ee Dhakhtarka Hargeysa, oo ka mid ah meelaha ugu dayaca Badan ee ka jira waddanka.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa