Maamulka Puntland Oo Ciidamo Soo Dhoobtay Agagarkii Dagaalku Shalay Ka Dhacay +Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Diifaac Adag Galay Iyo Xaalada Guud Ee Deegaanada Bariga Somaliland

0
887

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wararka naga soo gaadhaya magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag ayaa sheegaya in shalay galab ilaa xalay ay maamulka puntland ciidamo tiro badan soo dhoobtay kuna soo rartay agagaarka deegaanadii shalay uu ka dhacay dagaalka ee uu ku dhex maray ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka puntland.

 

Waxaana wararku ay tibaaxayan in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaandaaasi ay iyaguna difaac adag galeen, iyaga oo ciidamada qaranka Somaliland dagaalkii shalay kaga qabtay gawaadhi ay leeyihiin kuwa maamulka puntland iyo maxaabiis askar ah oo uu ku jiro xildhibaan ka tirsan maamulka puntland oo la sheegay inuu ku jiray dagaalka.

 

Waxaana laga cabsi qabaa in dagaal danbe dib uga bilaabmo deegaanadaa wallow uu wasiirka gaashaandhiga Somaliland sheegay in ay diiwaangalintii codbixiyayaashu sideedii uga sii socoto goobihii la geeyay ee bariga sanaag.

 

Xaalada deegaanada ayaa ah mid hada kacsan iyada oo sida wararku nagu so gadhayaan la xidhay isku socodkii gaadiidka iyo dadka isla markaana deeganada ay ku sugan yihiin wakhti xaadirkan ciidamada qaranka Somaliland ayna amaanka deegaanada la wareegeen.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here