Burco (HP): Maamulka jaamacadda magaaladda Burco ayaa iska difaacay eedaymo uga yimid bulshadda magaaladaasi oo maalmahanba si weyn loogu hadal hayay baraha bulshadda ee internet-ka.
Eedayntan ay maamulka jaamacadda Burco ka jawaabayeen ayaa la xidhiidhay in jaamacadu ay kutub isugu jirtay quraan iyo xadiisyo oo duug ahaa ku soo daadisay meel qashin qub ah.
Guddoomiyaha jaamacadda Burco Dr. Ciise Nuur Liibaan, oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah maamulka sare ee jaamacadaasi oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaasi.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.