Boorama (Hargeisa Press): Badhasaabka gobolka Awdal iyo maayarka magaaladda Boorama ayaa ka hadlay shaqaaqo Khamiistii shalay ka dhacday deegaanka Goroyo-cawl oo ku yaala xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
Taasoo ka dhalay kadib markii ay ciidamadda booliska Somaliland deegaanka Goroyo-cawl ka celiyeen ugaaska guud ee beelaha goboladda Awdal iyo Salel ugaas C/rashiid ugaas Rooble. Kaasoo u socday dhinaca magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Waxaana halkaas ka dhacday buuq ay sameeyeen dadweyne doonayay in ay ugaska soo dhaweeyaan oo ka cadhooday celintiisa iyo ciidamadda booliska oo doonayay in ay kala eryaan dadkaasi.
Iyadoo uu hal qof ku dhaawacmay rasaas ay rideen ciidamadda booliska oo ay Dhagaxaan ku tureen dadkii ka cadhaysnaa celinta ugaaska, deegaanka Goroyo-cawl ee xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.
Badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa sheegay in sababta ay ugaaska ugu diideen in uu soo gallo magaaladda Boorama ay ahayd in aanu sii hurin khilaaf ka dhex jira madax dhaqameedka Awdal oo uu ugaasku dhinac ka mid ah la safan yahay.
“Ugaas C/rashiid ugaas Rooble, ayaa la yidhi wuxuu imanayaa Boorama. Khilaaf badan oo jira awgeed, waxaanu ku nidhi iska joog. Taasi ayaana buuq dhalisay. Ciidamadda ayaa celiyay ugaaskii. Dad ayaana buuq ka sameeyay halkii ugaaska laga celiyay, dadkiina booliska ayaa rasaas ku kala kexeeyay” ayuu yidhi Tiimbaro.
Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Dadku wuu qaybsan yahay, siyaasiyan ayaana loo kala qaybsan yahay, salaadiinta gobolka Awdal. Taasaana keentay in ugaaska lagu joojiyo Goroyo-cawl, ilaa inta xaaladu caadi noqonayso.
Askar la tuur-tuuray ayaa Rasaasta dadkii buuqayay ku kala kaxaysay. Khasaaraha hal qof ayaa la ii soo sheegay oo ku dhaawacmay Goroyo-cawl”.
Ugaas C/rashiid ugaas Rooble, oo u socday magaaladda Boorama ayaa ka soo kicitimay dhinaca magaaladda Jig-jiga ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo inta badan fadhigiisu yahay.
Badhasaab Tiimbaro, ayaa ku dooday in haddii ugaasku uu iman lahaa Awdal isagoo madax banaan oo doonaya in uu dadkiisa mideeyo aanay cidina u diidi Karin.
Hase yeeshee kala qaybsanaanta ka dhex jirta dhinaca madax dhaqameedka gobolka awgeed ay tahay sababta keentay in ay ugaaska dib ugu celiyaan halkii uu ka yimid.
“Ugaasku haddii uu isagoo madax banaan deegaankiisa yimaado, oo uu dadka midaynayo, cid u diidi kartaa ma jirto. Ugaaska socdaalkiisu hadduu khla-khal na gelinayo, waan iska joojinaynaa” ayuu Maxamed Axmed Caalin, oo la hadlay Bulsho TV.
Geesta kale maayarka magaaladda Boorama Saleebaan Xasan Xadi, oo isna dhacdadaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay jirin wax cabsi ah oo ay xukuumadu ka qabtay in ugaas C/rashiid ugaas Rooble uu yimaado Boorama.
Balse maadaama oo xukuumadda ay masuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta amaanka darteed ay ugaaska xadka uga celiyeen.
Waxaanu yidhi, “Cabsi ay xukuumadu qabto ma jirto. Balse masuuliyadda ayaa keenaysa in waxyaabaha qaarkood odoroskeedda marka la hello, in tallaabooyin la qaado, waa masuuliyadda dawladda.
Marxaladan ay imika ku soo beegnayd, oo xukuumadu ay og tahay, masuuliyadina ka saaran tahay in wixii dhib jira, iyo caqabadaha taagan sii kordhin kara, in ay ka taxaderto ayay masuuliyadu tahay”.
Maayar Xadi, ayaa tilmaamay in ugaasnimadu ay ka miisaan weyn tahay in ay ku dhex milanto xaaladaha ka dhex taagan bulshadda gobolka Awdal ee xagga fikirka, isla markaana aanay wax faa’iido ah ku jirin in dadka la isku xoqo.
“Ugaasku qiimaha uu leeyahay iyo fikirkan lagu kala duwan yahay, way kala miisaan badan yihiin, oo ugaasku wuu ka miisaan weyn yahay amuurrahan.
Tallo guud buu ka gaysan karaa. Laakiin, maadaama aanay jirin wax dadka dhex yaallaa, in dadka la isku xoqo ma aha” ayuu yidhi maayarka Boorama oo u waramay VOA.
Dhinaca kale ugaas C/rashiid ugaas Rooble, ayaa isla Khamiistii doraad dib ugu laabtay magaaladda Aw-barre, ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kadib markii ay ciidamadda boolisku ugaaska ka celiyeen deegaanka Goroyo-cawl ee xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
Ugaas C/rashiid ugaas Rooble, ayaa fadhigiisu yahay magaaladda Jig-jiga ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.