Maamulka Dugsiyada Nuuradiin, Muxuu Ka Yidhi Dhacdadii Maanta Ee Dugsiga Sare iyo Khasaaraha Ka Dhashay?

0
969
Maamulka Dugisiyada Nuuradiin
Maamulka Dugisiyada Nuuradiin

Hargeisa (Hargeisa Press) — Maamulka guud ee Dugsiyada Nuuradiin, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii ay maanta wax uga dhaceen qaybta Wiilashada ee Dugsiga Sare ee magaalada Hargeysa iyo khasaaraha la gaadhsiiyey dhismaha iyo Agabka dugsiga.

Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed oo ay weheliyaan Maamuleyaasha dugsiyada iyo Guddoomiyaha dalladda Waxbarashada Gaarka loo leeyahay ee Al-Fajri Cabdiraxmaan Ismaaciil, ayaa gelinkii dambe ee maanta warbaahinta la hadlay, waxaanu si faahfaahsan oga warramay qaabka ay maanta wax uga dhaceen Dugsiga sare ee Nuuradiin qaybtiisa wiilashada oo ku yaalla xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Mahad Ibraahim waxa uu ayaan-darro saamaynteedu bulshadu wada-gaadhayso ku tilmaamay waxyeellada iyo burburka ardaydu u geysatay dugsiga, waxaanu sheegay in baadhitaan lagu samayn doono dhacdadan iyo cid kasta oo ka dambaysay ama ku lahayd.

Dhacdadan ayaa timi kaddib markii Qaybta Wiilasha ee Dugsiga Sare ee Nuuradiin qaybtiisa Jigjiga ay bannaan-bax khasaare maaliyadeed sababay sameeyeen ardayda dugsigaas qaarkood, kuwaas oo sida la sheegay ka soo horjeestay go’aan maamulka dugsigu ku eryey mid ka mid ah ardayda oo sida la sheegay qoraallo cabasho oo dugsiga ku saabsan ku faafiyey baraha bulshada.

Ardayda gadoodday ayaa khasaare gaadhsiiyey agabka iyo dhismaha dugsiga iyo gaadiid ay leeyihiin macalimiinta dugsiga qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here