Hargeysa,(HargeisaPress)– Maamulaha Dahabshiil Group, Abdirashid Duale iyo qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ayaa maanta kula kulmay magaalada Hargeisa safiirka UK iyo madax ka tirsan Hay’adda Save the Children.
Kulankan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha iyo sidii xal loogu heli lahaaa caqabadaha saamaynaya horumarka dhaqaalaha, iyo sidoo kale dhiirrigelinta maalgashiga qurbo-joogta ay ku sameeyaan wadamada ay ku dhasheen iyagoo Ka-qaybgalayaashu kulanku carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya dowladaha iyo ganacsatadda si loo hormariyo oo loo abuuro horumar dhaqaale oo xoogan mustaqablka fog.
Abdirashid Duale, oo ah Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group, isla markaana ka mid ahaa ganacstadda kulanka ka qayb galay, ayaa tilmaamay baahida loo qabo iskaashi xooggan oo ka dhex dhaca ganacsatada, dowladaha daneeya horumarka ee ka mid tahay dowlada UK, hay’adaha caalamiga ah, iyo ganacstadda isagoo tibaaxay in ay muhiim tahay in dowladda UK iyo hay’adaha caalamiga ahi la shaqeeyaan ganacstadda si ay u fursado badan oo shaqo abuur ah ugu sameeyaan dhalinyaradda, tag iyo haweenka, si loo gaadho isku filaansho cuntadda ah iyadoo la horumarinayo beeraha maxalliga ah iyo kaluumaysiga.
Ka-qaybgalayaasha ayaa ku booriyey dowladda UK inay u fudeydiso lacag dirista qurbo-joogta Soomaaliyeed si ay maalgashi uga sameyn karaan wadamda ay ka soo jeedaan. Waxa ay sidoo kale tilmaameen baahida loo qabo in bangiyada UK, shirkadaha lacagaha dira, iyo hay’adaha adeegyadda maaliyadeed bixiya ee dalka gudihiisu iyo dibadaba ay iska kaashadaan sidii loo fududeyn lahaa lacag dirista loona xoojin lahaa fursadaha maalgashiga iyo dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Waxa sidoo kale oo lagu falanqeeyey kulanka dhiirigalinta ciyaaraha fudud, oo ay ugu horeeyaan tartamada orodka, kuwaas oo dhiirrigelin kara midnimada iyo isdhex galka bulshada iyo horumarka. Ka-qaybgalayaashu waxay muujinayeen sida ay muhiimka u tahay taageerada ganacsatadda ee lagu xoojinayo caafimaadka, kor u qaadidda nabadda iyo xasiloonidda.
Kulanku ayaa kusoo dhammaaday si wanaagsan, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo joogtaynta wada-hadalladda si culays loo saaro sidii loo sii xoojin lahaa dhamaan wixii keenya horumarka iyo shaqo abuurka.
HargeisaPress News Desk