Maalinta 26-ka Juun waa maalinta ugu mudan maalmaheena Qaran

0
792

Hargaysa (HargeisaPress) –Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa sheegay in maalinta ugu mudan maalmaha Qaran ee Somaliland ay tahay maalinta 26-ka Juun.

Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa sheegay in maalintani tahay maalinta ay si isku mid ah uga wada qayb qaateen bulshada Somaliland, u wada ciyaareen, u wada dabaaldegeen, una soo wada jeedeen habeenkaasi, waxaanu sheegay in ay tahay maalin aan qof ka murmi karaa jirin.

Gudoomiyaha ayaa guud ahaan shacabka Somaliland ugu Hambalyeeyay sannad guuradii 65-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland xornimada qaadatay.

Gudoomiye Faratoon ayaa sidan ka sheegay mar uu ka hadlayay munaasibad 26-ka Juun oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here