Ma Dhaba in Turkiga Saldhig Millateri ka Sameysanayso gudaha Soomaaliya

0
1272

ISTANBUL β€” Xukuumadda Turkiga ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaadday inay saldhig millateri ka sameysanayso Somalia, taasoo qayb ka ah ballan-qaad ay kala saxiixdeen labada xukuumadoood oo lagu taageerayo dhismaha ciidamada Qalabka Sida ee Somalia iyo qalabeyntooda.

 

Sida ay qortay TODAYS ZAMAN, Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa qorshaha saldhiggan ay uga hirgelinayso dalka Somalia ku sheegtay inuu qayb ka yahay heshiis horay u dhex-maray dowladaha Somalia iyo Turkiga, kaasoo la xidhiidhka iskaashiga dhanka ciidamada iyo inay Somalia u tababbarto ciidankooda millateriga.

 

β€œSaldhiggan millateri waa mid muhiim ah oo aan doonayno inaan ku tababbarno ciidamada dalalka Qaarada Afrika,” ayuu yidhi Emel Tekin oo ah sarkaal ka tisran Wasaarada arrimaha Turkiga.

 

Wuxuu sarkaalku hadalkiisa ku daray in Soomaaliya ay ka hirgelinayaan iskuul milateri oo wax lagu barayo saraakiisha iyo dableyda ciidamada Somalia, si Aqoontooda kor loogu qaado.

 

Ugu dambeyn, Xukuumadda Ankara ayaa Somalia ku caawiya sannad kasta 400-milyan oo doollar; sida ay shaacisay Wasaaradda Arimaha Dibadda Dalka Turkiga, taas oo lagu kabo dhaqaalaha dowladda Somalia ay ku shaqeyso.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here