LIVE TOOS U DAAWO: Munasibada Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland

0
768

Kismaayo (Hargeisa Press)- Magaalada Kismaayo waxaa si toos ah wakhtigan uga socota munaasabada caleemo saarka madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Hoolka ay munaasabada ka dhaceyso waxaa ku sugan wafuudda ka qeybgalaya munaasabada oo ay ka mid yihiin wafdi saacado ka hor ka yimid magaalada Nairobi, waxaana horkacaya guddoomiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya.

Sidoo kale waxaa munaasabada jooga oo ka qeybgalaya madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, hogaamiyayaasha Asxaabta Qaranka,  xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu horkacayo guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, iyo inta badan Siyaasiyiinta Mucaaradka Soomaaliya.

Munaasabadan maanta socta ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday kaddib markii ay dowladda xayiraad ku soo rogtay duulimaayadii tagay Kismaayo oo laakiin markii danbe ay dowladdau fasaxday.

Hoos si toos ah uga daawo muuqaalka caleema saarka

Hargeisa Press Desk/Kismaayo Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here