Liibiya: Boqolaal Qof Oo Ay Daadad Qaadeen

0
284

Tripoli (HP): Boqolaal qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen bariga dalka Liibiya, ka dib markii Daadad xooggan oo ka dhashay duufaanta Daniel ay qaadeen xaafado ku yaala magaalooyin badan oo xeebta ku teedsan.

Ilaa 2,000 oo qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen, sida uu sheegay Raysal-wasaaraha xukuumadda aan la aqoonsanayn ee fadhigeedu yahay bariga Liibiya, Osama Hamad. Waxa uu intaas ku daray in kumanaan qof la la’yahay.

Axmed al-Mosmari, oo ah afhayeenka ciidamada fadhigoodu yahay bariga liibiya ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay isna ku sheegay in tirada dhimashada ee Derna ay kor u dhaaftay 2,000 oo qof.

Waxa uu xusay in inta u dhaxaysa 5,000 ilaa 6,000 oo qof aan lagu hayn nolol iyo geeri.

Al-Mosmari ayaa musiibadan ku macneeyay in ay sabab u tahay fatahaad ka dhalatay labo biyo xidheen oo ku yaalay Derna, kuwaas qar-qiyey qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Geesta kale madaxa Bisha Cas ee Benghazi, Kais Fhakeri, ayaa xaqiijiyay in duufaanta Daniel ay ku dishay ugu yaraan 150 qof magaalada Derna.

Ka dib markii heerka biyaha magaaladu ay sare u kaceen ilaa saddex mitir.

Weriye Cabdicasiis Caydiid Yamani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here