Lacago uu Xasan Sheekh ku shubtey Bangiyada Swiss-ka oo la xayiray

0
1610

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu lacago malaayiin Dollar ah ku lunsaday Akoonno Lacageed oo Swiss-ku leeyahay iyadoo ay jirto fadeexad musuq-maasuq iyo lacag la dhacay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa la sheegay inuu lacag dhan $260 milyan oo dollar ku shubay xisaabaadka bangiyada Swiss-ka, iyadoo tallaabadan ay tahay mid indhaha ku haysa hay’adaha Mareykanka iyo Yurub ee ka hortagga lacagaha la dhaqo.

Lacagahaasi uu Madaxweynaha Soomaaliya ku shubay xisaabaadka bangiyada Swiss-ka, ayaa la xayiray kadib markii looga shakiyay in la lunsaday.

Lacagtan oo markii hore loogu talo galay in lagu taageero miisaaniyada iyo kaalmada Mareykanka si loo sii wado nidaamka taagta daran ee Soomaaliya, ayaa lagu soo waramayaa in laga qaatay wax u muuqda fal kale oo xatooyo ah.

Maamulka Soomaaliya ee hadda jira, ayaa markhaati cad u ah musuqmaasuqa baahsan, iyadoo warbixintii ugu dambeysay ee Transparency International ay ku tilmaantay inuu yahay nidaamka ugu musuq-maasuqa badan caalamka — xilkaas oo ay si joogto ah u haysay tobankii sano ee la soo dhaafay.

Meertada damaca iyo isla xisaabtan la’aanta Soomaaliya, ayaa sii socota inay curyaamiyaan jiritaanka qaranka ee awalba khatarta ku jiray.

https://x.com/inside_afric/status/1883193061213446297

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here