Laba Shirkadood oo Ah Kuwa Ugu Weyn Dalka Sweden oo Mashaariico Ka Fulinaya Somaliland

0
2315

Stockholm (Hargeisa Press) – Wakiilka Somaliland u fadhiya wadanka Sweden Ambasador Sakariye Xasan Wacays ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay Laba Shirkadood oo ah kuwa ugu waa weyn dalkaasi Sweden.

Labadan shirkadood ayaa waxaa ay mashaariico waa weyn ka fulin doonaan dalka Somaliland.

Wakiilka Somaliland ee dalka Sweden Ambasador Sakariye Xasan Wacays ayaa soo bandhigay arimo badan oo ay kawada hadleen labada shirkadood.

Shirkadahan oo ka shaqeeya afar wadan oo Afrika ku yaal ayaa Somaliland noqonaysa wadankii shanaad ee ay ka shaqeeyaan shirkadahani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here