Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Oo Furay Kulan Lagu Dejinayo Qorshaha Wasaaradda

0
379

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheikh C/rasaaq Xuseen Albaani, oo uu wehelinayay agaasimaha guud ayaa maanta kulan la yeeshay dhamaanba agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda ayaa lagu lafo-guray qorshe sanadeedka soo socda, waxyaabihii ka hirgalay, waxyaabaha qabyadda ah ee  u baahan in la fuliyo, iyo caqabadaha sababay in ay qabsoomi waayaan qorsheyaashii hore.

Waxaana intii uu socday kulankaasi warbixino lagaga dhegaystay agaasime waaxeedyadda wasaaradda diinta iyo awqaafta.

Kulankaasi ayaa daba socda kulamo uu hore wasiirku ula yeeshay agaasime waaxeedyadda wasaaradda, iyadoona la diyaarinayo qorshe hawleedka wasaaradda ee shanta sanadood ee soo socda.

Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheikh C/rasaaq Xuseen Albaani, oo hadal ka jeediyay kulankaasi uu la yeeshay agaasime waaxeedyadda.

 

DAAWO: Hadalkii Wasiir Albaani Ee Kulankaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here