Kulan ku saabsan Sahaminta Shidaalka oo u furmay Somaliland iyo Taiwan

0
4272

Taipei (Hargeisa Press)- Waxaa magaalada Taipei ee dalka Taiwan si rasmi ah uga furmay tababar ku saabsan sahaminta Shidaalka iyo Gaasta ee Somaliland iyo Taiwan.

Babarkan, ku saabsan sahaminta Shidaalka iyo Gaasta, ayaa waxaa Somaliland uga qayb galay Masuuliyiinta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland oo uu horkacayo Agaasimaha Waaxda shidaalka Yuusuf Muuse, Agaasime ku xigeenka Waaxda iyo saddex injineer oo ka tirsan Waaxda Shidaalka.

Tababarkan oo ah mid mudo badan la sugaayay, ayaa waxaa bixinaysay shirkadda shidaalka CPC ee laga leeyahay dalka Taiwan.

Waxaana uu tababarkaasi oo socon doona mudo 10 cisho ah, lagu baran doonaa mawaadiic kala duwan oo khuuseeya baadhista iyo saarista shidaalka.

Tababarkan, ayaa ka yimid iskaashi labada Wasaaradood ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland iyo Wasaaradda Ganacsiga Taiwan.

Waxaanu ka turjumayaa iskaashiga sareeyaa ee labada dal ka dhexeeya si labada dal ay isku weydaarsadaan aqoonta iyo waayo aragnimada.

Barnaamijkani, ayaa ku saabsan dadaal iskaashi oo u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan si loo fududeeyo is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha dhinaca shidaalka iyo gaasta, kobcinta horumarka iyo hal-abuurka labada waddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here