Kulan Ku Saabsan Maamul Daadejinta Oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
977

Hargeysa (HP): Komishanka Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Somaliland iyo maamulka gobolka Maroodijeex, ayaa maanta kulan ku yeeshay xafiiska badhasaabka ee Hargaysa.

Kulankaasi oo ahaa mid sadex geesood ah ayaa la xidhiidha maamul daadejinta iyo la dagaalanka musuq maasuqa.

Kulankaas oo ahaa mid diiradda lagu saarayay in hay’ad kasta oo dawli ahi inay ku dhaqanto hannaanka Maamul daadejintaa.

Gudoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixiyay qorsheyaasha maamul daadejinta ee ay wadaan iyo sidii isu-duweyaashu isagu xidhnaan lahaayeen.

Waxaanu yidhi, “Waa Qiimeyntii laamaha kala duwan ee gobolka, waxaynu sameyneyna xog ururin. Waxaa loo baahan yahay isu-duweyaashu ay isku xidhnaadaan, oo iyaga laftoodu xog kala hellaan.

Wasaaraddo badan baa jira oo shaqooyinkoodu isa soo gallaan, sida wasaaradda deegaanka iyo ta beeraha wasaaradda xannaanada xoolaha, biyaha , caafimaadka iyo waxbarashadda.

Marka waxaa loo baahan yahay idinkuna in aad isku xidhnaataan, oo wax kala faa’iidaan, kana wada socotaan waxyaabaha isa soo gellaya”.

Geesta kale sarkaal u hadlay Komishanka Maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuq maasuqa ayaa sheegay in ay jiraan qorsheyaal ay doonayaan in ay hir geliyaan sannadkan.

Waxaanu iftiimiyay sida loogu baahan yahay in maamul daadejintu shaqayso oo isuduweyaasha goboladu ay u helaan kaalinta hawl qabad ee ay wasaaradaha ugu jiraan.

Waxaanu yidhi, “Komishanka Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqu wuxuu sannadkan qorshaynayaa in dib u habayn lagu sameeyo maamul daadejinta iyo shaqada ay cid waliba u xilsaaran tahay sidii loo dabiqi lahaa xeerka.

Sababtoo ah hay’addaha dawladdu waxay ku ada aasaasan yihiin xeer, kuwa aan xeerkoodu dhammaystirnayna in xeerkooda la dhammaystiro”ayuu yidhi masuulkan u hadlay komishanka maamula wanaaga.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Markaa komishanka maamul wanaagu qorsheyaal dhawr ah ayuu taabbo gelinayaa sannadkan isagoo laamihiisa kala duwan ee dawladda kaashanaya.

Waxaana ugu weyn sidii isuduweyaasha goboladu u heli lahaayeen kaalintoodii shaqo ee maamul daadejinta sidii ay wasaaraduhu maamul wanaagga ugu dhaqmi lahaayeen.”

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here