Kulan Dhexmaray Wasiir Siciid Sulub iyo Madaxda Hay’adda EUCAP

0
1292

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Xannanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa waxaa uu maanta kulan balaadhan la qaatay Madaxda Hay’adda EUCAP.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Xananadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga, ayaa waxaa Wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha waaxda Kalluumaysiga Ismaciil Mire iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda.

Wasiirka xananadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland iyo Madaxda Hay’adda EUCAP, ayaa waxaa ay kullankooda oo mudo saacado ah qaatay ay kaga wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa shuruucda iyo xeerarka Kalluumaysiga.

Sidoo kale waxaa ay kulanka kaga wadahadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Ciidanka Badda iyo wasaaradda si looga hor-tago Kalluumaysiga sharci daradda ah.

Ugu dambayn saraakiisha sare ee Hay’adda EUCAP, ayaa waxay Wasiirka gudoonsiiyeen Bilad sharaf taasoo ka turjumaysa wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa Wasaaradda Xananadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland iyo Hay’adda EUCAP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here