Kulan Dhexmaray Guddida Doorashooyinka Somailand iyo Ururrada Bulshada Rayidka

0
1298

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa qabtay kulan ballaadhan oo ay isugu yimaadeen Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, kaasi oo lagaga hadlayay arrimaha doorashooyinka.

Kulanka ay isgu yimaadeen Guddida Doorashooyinka iyo Ururrada Bulshada Rayidka, ayaa waxaa lagaga arrinsanayay arrimaha doorashooyinka soo socda.

Kulankan ayay Guddida Doorashooyinku ku soo bandhigeen qorshaha guud doorashooyinka, waxyaabaha u qabsoomay lix billoodkii ugu danbeeyey, iyo muhiimadda wadashaqaynta ka dhaxaysa komishanka doorashooyinka iyo Ururrada Bulshada Rayidka.

Dhanka kale Ururrada Bulshada Rayidka, ayaa waxay Guddida Doorashooyinka la wadaageen talooyin la xidhiidha hirgallinta doorashooyinka soo socda iyo hannaanka iskaashiga labada dhinac.

Sidoo kale, waxay Guddida Doorashooyinka su’aalo ka weydiiyeen hawlaha diyaargarowga  Doorashooyinka Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Xisbiyada Qaranka JSL.ee 13.November 2024.

Waxay dhinacyadu isla qaateen in la sii wado doodaha ku saabsan arrimaha doorashada ku beegan 13-ka November 2024, Taageerada muhiimka ah iyo ka qayb qaadashada ururrada bulshada rayidka ah si loo gaadho yoolka.

Dowladda Somaliland, ayaa waxay Doorashooyinka ku yaboohday 8 milyan oo dollar oo dheeraad ah. Intaa waxaa dheer, tabarucaad ka yimid dowladaha Taiwan iyo Norway oo soo socda, sidoo kale waxaa socda wadahadallo lala yeelanayo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah si loo xalliyo arrimaha farsamada ee Doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here