Kooxo Hubeysan oo Bujumbura ku dilay Taliyihii hore ee Nabad-sugidda Burundi

0
795

BUJUMBURA , (HargeisaPress) — Taliyihii hore ee Sirdoonka Dalka Burundi oo ay aad isugu dhawaayeen Madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza ayaa lagu dilay maanta oo Axad ah bartamaha Magaalada Bujumbura ee Caasimadda dalka Burundi.

Jen. Adolphe Nshimirimana ayaa waxaa toogtay kooxo hubeysna oo gaadhi watay, iyadoo lala dilay ilaaladiisi oo aan tiradooda la sheegin; iyagoo marayay xaafada Kamenge, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Burundi, Willy Nyamitwe.

Weeraryahannada ayaa la sheegay inay sidoo kale bam-gacmeed ku tuureen gaadhiga uu watay Jen. Nshimirimana, iyadoo jeneraalka isagoo dhaawac ah laga qaaday goobta, balse wuxuu daqiiqado kaddib ayuu dhaawicii u geeriyooday.

Dilkan ayaa wuxuu xiisad ka dhaliyay Burundi, iyadoo tan iyo bishii Abriil ee sannadkan ay magaalada Bujumbura ka socdeen dibadbaxyo rabshado wata oo ay dhigayeen shacab taageersan Mucaaradka.

Gaarigii_Jeneraalkii_Burundi_lagu_Dilay
Gaarigii_Jeneraalkii_Burundi_lagu_Dilay

Sidoo kale, Jen. Nshimirimana ayaa wuxuu ahaa xubnaha furaha u ah ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Burundi, isagoo gacan ka geystay fashilkii ku yimid afgambigii bishii May ee sannadkan ka dhacay dalkaas ee la sheegay in lagu af-gambiyay Madaxweyne Nkurunziza.

Madaxwenaha Burundi ayaa la sheegay inuu ku guuleystay 21-kii bishii July ee sannadkan, iyadoo guddiga doorashada dalkaas ay sheegeen inuu helay 69% codadkii laga qaaday shacabka dalkaas. Halka murashaxii la tartamayay isna la sheegay inuu helay 19% codadkii la dhiibtay.

Beesha Calaamka ayaa cambaareeyay doorashada, iyagoo xusay in dalkaas aysan ka qabsoomi karin doorasho, maadamaa ay rabshado socdaan, iyadoo mucaaradku ay ku eedeeyeen Nkurunziza inuu xilka qabanayo markii saddexaad.

Tiro dad ah ayaa ku dhintay kuna dhaawacmay rabashadii dalkaas ka dhacay, dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo sidoo kalena ay ku barakaceen in ka badan kumannaan qof.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here