Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Oo Soo Bandhigay Warbixin Sanadeedkoodda 2021-ka+Sawirro

0
529

Hargaysa (HP): Komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland ayaa maanta magaaladda Hargaysa ku soo bandhigay warbixin sanadeedkoodda 2021-ka ee xuquuqda aadanaha dalka.


Warbixinta ay komishanku soo bandhigeen ayaa ku qotontay arrimaha xuquuqda aadanaha ee Somaliland.
Munaasibadii bandhiga warbixintaasi waxaa ka soo qayb galay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Cadaaladda Somaliland guddoomiyaha guddi hoosaadka xuquuqda aadanaha ee golaha Wakiiladda Somaliland xildhibaan Yaxye C/laahi Aamiin (Yaxye-arraarse).


Guddoomiye ku-xigeenka haayadda qoxoontiga iyo arrimaha barokaceyaasha Somaliland, iyo xubno ka socday haayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha xuquuqda aadanaha, iyo sidoo kale bahda cadaaladda iyo garsoorka ee Somaliland.

Xildhibaan Yaxye C/laahi Aamiin (Yaxye-arraarse), guddoomiyaha guddi hoosaadka xuquuqda aadanaha ee golaha Wakiiladda Somaliland oo madashaasi hadal ka jeediyay ayaa komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka uga mahad celiyay warbixinta ay soo bandhigeen.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here