“Koboca shirkaduhu waxay saldhig u yihiin koboca qaranka waanan ku bogaadinayaa…”

0
614

Burco (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa maanta magaalada Burco kaga qayb galay Carwadda Shaqada ee 2022-ka.


Bandhig carweedkaasi oo ay soo agaasintay  wasaaradda Shaqo gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland, waxaa furitaankii Carwadaasi ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumada Somaliland iyo masuuliyiin Kale.


Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo furitaanka carwadaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in koboca shirkadaha dalku waxay saldhig u yihiin koboca qaranka. Wasiirka ayaa ku bogaadinayay shirkadaha sida ay dhalinyaradda ugu hureen in ay u abuuraan fursado shaqo.


Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa dhalinyaradda kula dar-daarmay in ay ka faa’iidaystaan fursadaasi oo 90% shaqo lagu heli karro, isla markaana nidaamkan ay isticmaalayaan uu yahay mid casri ah oo ay wadamadda horumaray isticmaalaan.

DAAWO: Hadalkii Uu Wasiirku Carwadaasi Ka Jeediyey:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here