Khudbada Madaxweyne Xasan Sheekh Ee Shirka EAC Ee Caruusha

0
547

Arusha (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaaladda Arusha ee dalka Tanzania, isaga oo halkaasi kaga qayb galay shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirkaasi, ayaa ka waramay fursadaha maalgashiga ee Soomaaliya ka jira, iyo sidii ay Soomaaliya ururka EAC uga mid noqon lahayd.

Sidoo kale, waxaa uu kulan doceedyo ku aaddan hirgelinta qorshaha Soomaaliya ee ka mid noqashada dalladdan la yeelan doona madaxda dalalka ku mideysan EAC, si uu ugu soo bandhigo faa’idada ay soo kordhinayso xubin-ka-noqoshada Soomaaliya ee dalladda, iyo guud ahaan fursadaha maalgashi iyo wax soo saarka Soomaaliya.

EAC waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaadhan kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka.

Dalladdan, ayaa dhaqaalaha wadajirka ah ee sanadkii lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo Dollar.

DAAWO: Khudbadii Xasan Sheekh Ee Shirkaasi:

LEAVE A REPLY