Muqdisho (Hargeisa Press)- Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa si rasmi ah u shaaciyey inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Kheyre oo qoraalkan soo dhigay bartisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in mudadii uu hayey xilka ra’iisal wasaaraha Soomaaliya wax-badan uu qabtay waxna ka bartay.
“Bismillah, Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisal Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Xasan Cali Kheyre.
Kheyre ayaa qoraalkiisa intaas ku sii daray, “Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha Soomaaliya.”
Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in uu fahamsanyahay fursadaha caqabadaha la xidhiidha hoggaaminta Soomaaliya, islamarkaana uu ku hoggaamin doono karti, hufnaan iyo daacadnimo, hadii uu ka noqdo madaxweyne.
“Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xidhiidha hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan mar kale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo,” ayuu yidhi Xasan Cali Kheyre.
50-maalmood ayaa ka soo wareegatay markii xilka laga tuuray Xasan Cali Kheyre, welina lama buuxin booskii uu ka baxay ee ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Kheyre ayaa waxaa xilka ka qaaday baarlamanka Soomaaliya 25-kii July, kadib markii ay isaga iyo madaxweyne Farmaajo isku qabteen arrimaha doorashada oo uu kaga soo horjeestay madaxweynaha, taasi oo keentay in Villa Somalia ay ka abaabusho mooshin.
Intii uu xilka hayey Kheyre, gaar ahaan muddooyinkii dambe, waxaa taageerayaasha madaxweyne Farmaajo ay ku eedeyn jireen in aanu daacad u ahayn oo uu yahay musharax doonaya inuu xilka ka tuurto.