Hargeisa (Hargeisa Press) – Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa waxaa uu ka hadley Shirweynaha 4aad ee Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ee la filaayo inuu bishan October ka qabsoomo magaalada Hargeysa.
Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa uga digay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu burburiyo xisbiga Kulmiye.
Waxaa kale oo uu Suldaanku ku baaqay in la badbaadiyo xisbiga Kulmiye islamarkaana la soo dhiciyo.