Khayre oo Ka Digay Khatarta Ka Iman Karta Doorashadda Soomaaliya oo Dib Loo Dhigo

0
671

Muqdisho (HP): Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa ka digay dhibaato ka dhalan karta haddii dib loo dhigo doorashadda Soomaaliya.

Doorashadda madaxweynaha iyo goleyaasha baarlamaanka ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay qabsoomaan dhamaadka sanadkan 2020-ka.

Waxaanu sheegay Khayre, in sidoo kale haddii ay dhacdo doorasho aan heshiis lagu wada ahayn ay Soomaaliya u horseedi karto khatar iyo dhibaato dalka geyaysiin karta mustaqbal xumo.

Xasan Cali Khayre, ayaa tusaale u soo qaatay halista ka iman karta dib u dhac ki yimaadda dooraashadda inay ka iman karto khatar la mid ah qalaalasaha ka socota wadanka Itoobiya.

Taasoo salka ku haysa ama ka dhalatay dooraahooyin dib uga dhacay wakhtigii loo qorsheeyay.

Hadalkan digniinta ah ee Khayre, ayaa ku soo beegmaya xili ay weli taagan tahay muranka ka dhashay guddiga doorashooyinka ee uu magacaabay madaxweyne Farmaajo.

Kuwaasoo ay ka biyo diideen hogaamiyeyaasha xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya, isla markaana ay ku tilmaameen in aanay dhex dhexaad noqon karin laguna kalsoonaan karin.

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu maanta u jeediyay kumanaan dadweyne shacab iyo siyaasiyiin isugu jiray oo si weyn ugu soo dhaweeyay magaaladda Muqdisho.

Isagoo ka soo laabtay safar uu in muddo ah ugu maqnaa wadamo dibadda ah.

Geesta kale Khayre, oo ay khudbadiisu dheerayd waxa uu kaga hadlay arrimo la xidhiidha murashaxnimadiisa kursiga madaxweynaha ee doorashadda soo socota, wada tashiyo iyo shirar uu siyaasiyiin iyo masuuliyiin la yeeshay.

Waxyaabihii uu kala soo kulmay wadamadii uu safarka ku soo maray oo ay ka mid ahaayeen Jabuuti, Turkiga iyo arrimo kale.

Daawo: Khudbadii Khayre:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here