Xisbiga Waddani oo Madaxweyne Biixi Uga Digay In Uu Soo Kala Dhowaysto Siyaasiyiinta Muqdisho

0
1335

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen cabdi ayaa waxaa uu ka hadley siyaasada Somaliland ee ku wajahan doorashada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in siyaasada Somaliland ee ku wajahan doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya ay khal-khalsantahay.

Xoghayaha xisbiga Waddani ayaa xukuumada Somaliland uga digay in ay soo kala dhowaysto siyaasiyiinta Somaliland u dhashay ee Muqdisho ku sugan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi abdi ayuu ku eedeeyay in uu soo kala dhowaysanayo siyaasiyiintaasi Xamaar xilalka ka haya.

LEAVE A REPLY