Khasaare Ka Dhashay Dhul-gariir Ku Dhuftay Dalka Turkiga

0
717

Dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 6.1, ayaa ku dhiftay Waqooyi Galbeed dalka Turkiga saacadihii hore ee Arbacada maanta ah, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 35 qof.

Dhulgariirkan, ayaa ka dhacay meel qiyaastii 170 kiiloomitir (105 mayl) dhanka bari kaga beegan magaalada Istanbul, oo ah magaalada ugu weyn dalkaas, halkaas oo si xooggan looga dareemay.

Mas’uuliyiinta Turkiga, ayaa sheegay in dhulgariirku uu ahaa 5.9 — taas oo ka hooseeya qiyaastii 6.1 ee ay bixisay hay’adda Sahanka Juquraafi ee Mareykanka.

Waxa uu ka dhacay degmada Golyaka ee gobolka Duzce, inkastoo uu sidoo kale uu ruxay magaalooyin kale oo u dhow.

“Waxaa kusoo toosnay sawaxan iyo gariir weyn,” ayay AFP u sheegtay Fatma Colak oo degan Duzce.

“Waxaan kasoo baxnay guryaheennii annagoo argagaxsan, hadda waxaan ku suganahay bannaanka.” ayay raacisay.

Wasiirka caafimaadka Fahrettin Koca, ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in 35 qof ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo 32 ka mid ah ku dhaawacmeen degmada Duzce, mid Istanbul ah iyo labada kale ee gobollada u dhow ee Bolu iyo Zonguldak.

Duzce, ayaa ahayd goobtii uu ku dhiftay dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.4 sanadkii 1999-kii – oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa Turkiga tobannaan sano.

Dhulgariirkaas, ayaa dilay in ka badan 17 kun oo qof, oo ay ku jiraan ku dhawaad kun qof oo ku dhintay Istanbul.

LEAVE A REPLY