Dublomaasi Mareykan Ah oo Soo Dhaweeyay Xadhigga Kornayl Tuke

0
1394

Washington (Hargeisa Press) – Dublomaasi caan ah oo Mareykan ah, ayaa ka hadlay xadhigga Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidammada Milateriga Soomaaliya ee xilligii Kaligii Taliye Maxamed Siyaad Barre ee dhibatada u geystay Shacabka Somaliland.

Ciidammada Amaanka ee dalka Mareykanka, ayaa Toddobaadkan Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ku xidhay Kornayl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo sanadihii 80-maadkii Falal Xuquuqda aadamaha lid ku ah ka geystay degmada Gabiley ee Somaliland, ka dib markii uu dacweeyay Muwaadin reer Somaliland ah oo uu toogasho iyo jidh-dil ugu geystay Gabiley.

Xadhiggan, ayaa waxa ka hadlay isla-markaana soo dhaweeyay Safiirkii hore ee Dowladda Mareykanka u qaabilsanaa Gobolka Harooyinka waaweyn ee Afrika Dr. Peter J. Pham.

Dr J. Peter Pham

Ambassador Pham oo qoraal ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayaa sheegay in xadhigga Kornayl Tuke oo Taksi kaga shaqaynayey Mareykanku ay farxad u tahay dadka reer Somaliland ee dhibbaneyaasha u noqday Tacadiyadii Taliskii kaligii Taliye Maxamed Siyaad Barre.

Ambassador Pham oo arrintaas ka hadlaya ayaa yidhi “War Wanaagsan bay u tahay Dadkii reer Somaliland ee uu xasuuqay Taliskii Siyaad Barre, xadhigga mid ka mid ah kuwii jidh-dilka geystay, kaasi oo ah Yuusuf Cabdi Cali (Tuke), kaasi oo mar ahaa Taliyihii Guutada 5aad ee ciidanka Soomaaliya..”

Dr. J. Petter Pham wuxuu sheegay in Tuke oo ku shaqaysanayey Tagaasida loo yaqaano (Uber) la xidhay isla-markaana laga qabtay duleedka Magaalada Washingon DC.

“Tuke waxa loo haystaa jidh-dil uu ka geystay Somaliland,” ayuu yidhi Safiirkii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa Gobolka Harooyinka waaweyn ee Afrika Ambassador Pham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here