Kanaal Biyood Ku Yaallay Deegaanka Darrayo-dheere Oo Daadad Waxyeeleeyeen

0
701

Xariirrad (HP): Kanaal biyood ku yaalla deegaanka Darayo-dheere oo ka tirsan degmadda Xariirrad ee gobolka Selel, ayay waxyeelo ka soo gaadhay Daadad xoog leh oo ku soo rogmaday.
Kadib roobab mahiigaanno ahaa oo maalmahan ka da’ayay deegaamadaasi.
Kanaal biyoodkaasi ayaa la dhisay sanadkii 2006-dii ayaa waraabin jiray beerro fara badan oo halkaasi ku yaalla.
Hase yeeshee Kanaal biyoodkaasi ayaan hadda waraabin karin beerahaasi dhaawaca ka soo gaadhay Daadadkaasi awgeed.
Maayarka magaaladda Saylac oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale ayaa maanta soo kormeeray baaxadda dhibaatadda soo gaadhay Kanaal biyoodkaasi.
Waxaana maayarka iyo masuuliyiintii kale warbixin ka siiyay xaaladda Kanaal biyoodkaasi odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Darrayo-dheere.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here