Gabiley (HP): Is faham la’aan maalmahan ka dhex taagnayd maamulka wasaaradda Maaliyadda ee Kastamka magaaladda Kalabaydh ee gobolka Gabiley iyo ganacsatadda Qaadka ka keena Itoobiya ayaa la soo af-jaray.
Arrinta keentay ayaa ahayd Miisaan casri ah oo ay wasaaradda Maaliyadu gaysay kastamka Kalabaydh, kaasoo la doonayo in lagaga guuro Miisaankii hore ee Qaadka lagu miisaami jiray.
Miisaankan cusub oo ay wasaaradda Maaliyadu kastamka Kalabaydh gaysay muddo hadda laba bilood hadda laga joogo ayaan weli rasmi ah u hawl-gelin, iyadoona qorshuhu ahaa in Isniintii shalay la hawl-geliyo ama lagu bilaabo shaqadiisa.
Hase yeeshee, markii ay masuuliyiinta wasaaradda Maaliyadda ee Kastamka Kalabaydh ay damceen in ay hawl-geliyaan Miisaankaasi ayay ganacsadii Qaadku ka cawdeen wax aad u yar oo kala duwanaansho ah oo u dhexeeya miisaankan cusub iyo kii hore.
Taasoo keentay in dad siyaasiyiin ah iyo kuwo danno gaar ah leh in ay arrintaasi aadka u yar buun-buuniyaan, isla markaana ay sheegeen in maamulka kastamka Kalabaydh ee wasaaradda Maaliyadu ay Qaadleyaashii ku qasbeen in Qaadka loogu miisaamo, miisaan culays aad u badan ku ah ganacsigoodda.
Kadib markii ay arrintaasi banaanka u soo baxday waxaa soo dhex galay maamulka dawladda hoose ee Gabiley iyo wasaaradda Maaliyadu, iyadoona la isla qaatay in la xaliyo kala duwanaanshiyaha aadka u yar ee ku jira miisaankan cusub.
Sida ay noo xaqiijyeen dad ku sugan magaaladda Kalabaydh, waxaa la isla af-gartay in wasaaradda Maaliyadu ay wax ka bedesho farsamo ahaan culayska ku jira miisaankan cusub ee Qaadka laga soo dejiyo Itoobiya lagu miisaamo, ee ay ganacsatadda Qaadku ka cawdeen.
“Ma jirto wax dhibaato ah ama khilaaf ah oo sidaa u weyn, oo u dhexeeya maamulka Kastamka Kalabaydh iyo ganacsatadda Qaadka. Balse waxaa jirtay arrin ay ganacsatadda Qaadku ka cawdeen oo ah in culays dheeraad ah uu sheegayo miisaankani cusub.
Taasoo ay ganacsatadda Qaadku ku doodeen in wax laga qabto, isla markaana maamulka kastamka Kalabaydh way ka garaabeen taasi, waana la xalinayaa”, sidaasi waxaa noo sheegay qof ku sugan Kalabaydh oo ka cudur daartay in aan magaciisa xusno.
Geesta kale ilo wareegyo arrintaasi xog ogaal u ah ayaa noo xaqiijiyay in la isla qaatay in aan la hawl-gelinin miisaankan cusub ilaa inta ay wasaaradda Maaliyadu wax ka soo bedelayso culayska dheeraadka ah ee uu sheegayo marka Qaadka lagu miisaamayo ee ay ka cawdeen ganacstadda Qaadku.
Iyadoona lagu sii shaqaynayo miisaankii hore ee gacanta ama qalinka lagu qorayay hadba culayska ay sheegto Saacadda miisaanku, halka miisaankan cusub uu yahay mid casri ah oo qaab Kombuyuutar ah wax loogu miisaamayo.
Qofkaasi goob jooga ah oo arrintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi, “Waxaa noo yimid maayarkii Gabiley iyo xildhibaanadii golaha deegaanka Gabiley, iyo wasaaradda Maaliyadda oo dhinac ah ayaa isku yimid, oo kalabaydh yimid. Waxaana la isla qaatay in miisaankii hore lagu sii shaqeeyo, inta hawsha la xalinayo”.
“Ma jirto Qaad la yidhi lama cashuurayo haddii aan la saarin miisaankan cusub. Farqi yar baa u dhexeeya miisaankii hore iyo miisaankan cusub. Waxaana la isla fahmay, inta farsamo ahaan loo saxayo, in miisaankii hore la sii isticmaallo” sidaasi waxaa noo xaqiijiyay sarkaal ka tirsan hawl-wadeenadda kastamka Kalabaydh, oo naga codsaday in aan magaciisa qarino.
Dhinaca kale markii uu soo baxay warka ah in ganacsatadda Qaadku ay ka cawdeen in aanay ku qanacsanayn farqiga aadka u yar ee u dhexeeya miisaankan cusub iyo miisaankii hore waxaa damcay in ay arrinta qaab mucaaradnimo uga faa’iidaystaan siyaasiyiin iyo dad u jeedooyin kale leh.
Kuwaasoo baraha bulshadda ee Internet-ka ku faafiyay warar been abuur ah oo doonayeen in ay ku kiciyaan ama ku abaabulaan sidii ay rebshad ama khilaaf weyn uga dhex dhalin lahaayeen ganacstadda Qaadka, iyo wasaaradda Maaliyadda.
Iyagoona bulshadda gobolka Gabiley gaar ahaana Kalabaydh u tusaan inuu jiro qorsheyaal lagu doonayo in lagu baabiiyo shaqaalaha kala duwan ee Muqur-maalka ama xamaaliintu ku jiraan, iyo kuwa Qaadadka ka shaqeeya ee deegaankaasi u dhashay.
Balse markii aanu siyaabo kala duwan arrintaasi u dabo galnay, waxaanu soo xaqiijinay in aanu jirin haba yaraatee, wax khilaaf weyn ah oo u dhexeeya ganacsatadda Qaadka iyo maamulka kastamka Kalabaydh.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.