Burco (HP): Wasasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigtay 15 Harimacad oo sifo sharci darro ah loogu haystay degaanka Kabo-dheere oo ka tirsan gobolka Togdheer.
Kadib hawl-gal ay si wada jir ah uga fuliyeen deegaanka Kabo-dheere, wasiirka wasasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland, maamulka gobolka Togdheer, ciidamadda booliska gobolka Togdheer, iyo masuuliyiinta wasaaradda degaanka ee gobolka Togdheer waxay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigeen 15-kaasi Harimacad.
Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka wasasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland oo ku sugan magaaladda Burco ee gobolka Togdheer oo ay hawlo shaqo u joogto, oo ay wehelinayeen maamulka gobolka Togdheer, ayaa soo bandhigay Harimacadkaasi ay soo qabteen oo meel beer ah lagu hayay.
Waa markii ugu horaysay oo tiro sida u badan oo Harimacaddo ah hal mar isla hal meel loogu soo wada qabto guud ahaanba goboladda dalka Somaliland, sida ay sheegtay wasiirka wasasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka warbixinaysay Harimacadkani ay dadka ka ganacsanayay ka soo bad-baadiyeen.
Wasiirku waxay sheegtey cid kasta oo ku luglahayd haysashada 15-kan Harimcad oo Dhalo ah ama aad u yar yar in sharciga la horkeeni doono.
Geesta kale wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxay u mahadcelisay Ciidanka Booliska gobolka Togdheer oo gacan weyn ka gaystay soo qabashada 15-kan Harimcad.
Shan iyo tobankan Harimacad oo ah kuwo aad u yar yar ayaa la qiyaasayaa in la doonayay in wadamadda dibadda loo dhoofiyo, kuwaasoo laga soo qabsaday deegaamadda duurka ah.
DAAWO: Wasiirka Oo Arrimahaasi Ka Hadlaysa:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.