Jig-jiga (HP): Guddiga ka hor taga faafitaanka caabuqa Coronavirus ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa qaaday tallaabooyin ad-adag oo lagu soo rogay bulshadda gaar ahaana meheradaha Dharka lagu iibiyo.
Waxaanay guddigu go’aamo culus ka soo saaray sidii bulshadu u kala fogaan lahayd inta lagu jiro u diyaar garowga ciida Fidriga ee soo foolka leh.
Komishan-neerka ciidanka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaaladda Jig-jiga ayaa ka hadlay tallaabooyinka ay ciidan ahaan qaadeen ee ku waajahan ka hor taga faafitaanka Coronavirus.
Waxaanu sheegay komishan-ner Maxamed Cali Xasan, in ay saaka xidheen meheraddo ganacsi oo diiday amarkii ay soo saareen, kadib markii guddiga ka hor taga Coronavirus ee dawlad deegaanku ay shirk a yeesheen.
Halkan Ka Daawo Komishan-ner Maxamed Cali Xasan, oo Arrimahaas ka Warbixinaya:
https://youtu.be/KrqalP1xmJE
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.