“Soomaaliya wax caawimo ah ma keenin Sool mana keeni karaan awoodna”…

0
494

Laascaanood (HP): Guddoomiyaha gobolka ayaa been cad iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in dawladda Soomaaliya ay caawimo soo gaadhsiisay deegaamo ka tirsan gobolka Sool.

Kadib markii shalay baraha internet-ka ay dawladda federaalka Muqdisho ku baahisay qoraal ay ku sheegeen in ay caawimo la xidhiidha waxyaabaha lagaga gaashaanto Covid-19 ay gaadhsiiyeen goboladda Sool iyo Sanaag.

C/qani Maxamuud Jiidhe, wuxuu sheegay in arrintaasi ay ka mid tahay beenaha iyo faanka ay caadaysatay dawladda Xamar, isla markaana aanay Soomaaliya awood u lahayn in ay caawimo soo gaadhsiiso gobolo ka tirsan dhulka Somaliland.

Badhasaabka Sool waxa uu sidan ka sheegay khudbad la xidhiidha xuska maalinta qaran ee 18-ka May oo uu maanta ka jeediyay  magaaladda Laascaanood, taasoo uu bulshadda gobolka Sool kula wadaagayay dabaal-dega maalinta qaran.

“Waxaa na soo gaadhay warar sheegaya, in magaaladda Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer ee jamhuuriyadda Somaliland, ay ka degtay diyaarad ka timid Xamar.

Ilaa shalay sida baraha bulshadda ee Internet-ka lagu arkayay, qoladda Soomaaliya reer Muqdisho, ee mar walba faanka, riwaayadda iyo baan-abuurka jecel.

Iyadoo aad og tihiin in ay maalin walba been ka sheegaan kiisaska caabuqa Covid-19-ka ee Somaliland ka soo kordha” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Geesta kale guddoomiye C/qani Jiidhe, waxa uu digniin adag u diray xukuumadda taagta daran ee Muqdisho, isagoona xusay in aanay wax caawimo ah keeni Karin gobolka Sool.

Waxaanu yidhi,  “Waxaan uga digayaa qoladda Muqdisho, ee maalin walba been abuurka ka sheegaya Somaliland, in ay joojiyaan beenta ay ka sheegaan qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

Sool wax caawimo ah oo ka soo gaadhay Soomaaliya, ma jiraan. Wax ka iman doonaana ma jiraan. Awood ay u leeyihiin in ay wax keenaa-na ma jirto”.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here