Jig-jiga: Doorashadda DDS Itoobiya Oo Saaka Loo Dareeray

0
371

Jigjiga (HP): Waxaa saaka dhamaanba dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya looga dareeray doorashadda lixaad ee  ka dib dhacday doorashadii guud ee dalka Itoobiay ka dhacday 21-kii bishii June ee sanadkan 2021-ka.

Dadweynaha ayaana saaka safaf dhaadheer u galay goobaha codbixinta, oo tiradoodu lagu sheegay in ka badan 400 oo goob codbixineed.

Guddiga doorashooyinka qaranka ee Itoobiya ayaa shaaciyay in tiradda dadka isku diiwaan geliyay in ay codeeyaan doorashooyinka deegaanka Soomaalida in ay kor u dhaafayso 5 milyan oo qof.

Waxaana isku diiwaangeliyay shan xisbi siyaasadeed, iyo murashaxiin madax banaan. Inkastoo ay jiraan saddex xisbi oo qaadacay in ay doorashadani ka qayb qaataan.

 

https://youtu.be/ryAMLyaSppw

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here