Jadwalkii Doorashada Aqalka Sare Ee Soomaaliya oo Dib Loo Dhigay

0
1230

Muqdisho (Hargeisa Press) — Guddiga Doorashooyinka dad ban ee Heer Federaal ee Soomaaliya ayaa shaaciyay isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashada Aqalka Sare ee hore loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar ilaa 6da Jannawry 2021.

Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannawry 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannawry 2021.

Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo wakhtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.

Muddadaas waxaa lagu dhammeystirayaa hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashda codsiyada murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada Maamulaya Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada tixgelinta ay siiyeen codsiga Madaxweynaha Galmudug si doorashada Aqalka Sare ay hal mar u wada qabsoonto.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here