Jabuuti oo mar kale xukun Maxkamadeed ku dhacay

0
1960

Washington (Hargeisa Press)- Maxkamad ku taalla Mareykanka, ayaa waxay amartay in la dhaqan galiyo $200 oo Malyan oo Dollar oo lagu xukumay in ay dowladda Jabuuti siiso shirkadda DP World, taasoo ka dhigaysa in DP World ay mar kale sharciga kaga guulaysatay Jabuuti, ka dib markii xukuumadda Jabuuti ay shirkadaas ka joojisay inay maamusho qaybta kontenarrada ee marsada Dooraale.

Sannadki hore ayay DP World maxakamadaha Mareykanka ka xaraysay dacwadda, iyadoo dalbanaysay inla dhaqan geliyo go’aankii ay ku abaalmarisay maxkamadda caalamiga ee dhexdhexaadinta ee London (LCIA), ka dib markii laga joojiyey, sida ay ku dacwootay, maamulka terminalka kontenarrada ee Dooraale.

Go’aankan oo maalmo ka hor ay gaadhay maxkamadda degmada ee District of Columbia, ayaa si aan diidmo lahayn u ogolaatay dacwaddii ay shirkaddu soo gudbisay ee qayb ahaan lagu abaal mariyay 2022.

Inkastoo ay DP World ay tahay saamile laga tiro badan yahay, hadana waxay haysatay xuquuqda maamulka, waxaana muranku uu billaabmay sannadkii 2018-kii markii Jabuuti ay joojisay maamulidda ay shirkaddu maamulaysay Dooraale oo ay la wareegtay gacan ku haynta Terminalka, iyadoo sabab uga dhigtay shuruuc cusub oo la xidhiidha heshiisyada kaabeyaasha.

Go’aanka dowladda Jabuuti ay maamulka dekedda Doraleh kala wareegtay DP World, ayaa ka dambeeyay markii ay shirkaddu xilligaas sheegtay inay dhisayso dekedda Bebera ee Somaliland, si ay uga faa’iideysato Itoobiya.

Tallaabadaas ayay Jabuuti u arkaysay mid halis galinaysa ganacsiga ay kaligeed heysatay ee ku saabsan kala daabulista badeecooyinka Itoobiya.

DP World, oo fadhigeedu yahay Dubai, ayaa sheegtay in dowladda Jabuuti ay shan jeer oo hore iska dhaga tirtay amarro ka soo baxay maxkamadda.

Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World ee dekedaha maalgalisa, ayaa sheegay inay hadda sugayaan jawaabta ay dowladda Jabuuti ka bixin doonto xukunka ugu dambeeyay ee ay maxkamaddu soo saartay.

Afhayeen u hadlay DP World ayaa yidhi “ Maamuleyaasha Jabuuti waxay si is dabajoog ah u muujiyeen inaanay u hogaansamayn maxkamadda, isku xukunka sharciga iyo xeerarka ganacsiga wanaagsan”.

Shirkadda DP world, ayaa la sheegay inay qaaradda Afrika ka hawlgalayso muddo 20 sano gaadhaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here