Jabuuti oo Dhul Ka Mid Ah Dalkeeda Ka Iibisay Waddan Kale

0
1094

Jubba (Hargeisa Press) – Saraakiisha dalka Koonfurta Sudan, ayaa xaqiijiyay in dowladda Jabuuti ay ka iibisay dhul ku yaalla xeebta dalkaas oo laga dhisayo deked.

Koonfurta Sudan waxay sheegtay in dekeddaas ay muhiim u noqon doonto dhoofinta saliidda caydhiin ee dalkaas, oo hadda la mariyo dalka Sudan, iyo sidoo kale soo dhoofinta badeecadaha dalkaas oo badankood ka yimaada dekedda Mombasa ee Kenya.

Wasiirka shidaalka Koonfurta Sudan Puot Kang Chol, ayaa sheegay in dhulka ay ka iibsadeen Jabuuti uu dhan yahay 12,000 mitir oo laba jibbaaran oo ku yaal dekedda Jabuuti, si ay ugu fududaato dhoofinta saliidda caydhiin iyo soo dejinta badeecadaha.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan dhammaantiin idinku wargeliyo inaan muddo isku dayeynay inay waddooyin badan furano sababtoo ah Koonfurta Sudan waa dal aan bad lahayn, sidaas darteed waxaa nalooga baahan yahay inaan u furnaano suuqyada,” ayuu yidhi Wasiirka shidaalka Koonfurta Sudan Puot Kang Chol.

Laba dal oo ku yaalla Dooxada Weyn ee Afrika oo kala ah; Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, ayaa dhowaan sheegay inay adeegyadooda dekedaha u wareejin doonaan Tanzania, taasi oo Rwanda iyo Burundi ka dhigeysa labada dal ee kaliya ee sida buuxda ugu tiirsan dekedda Mombasa. 

Duncan Otieno, oo ah dhaqaalyahan fadhigiisu yahay Nairobi, ayaa sheegay in tallaabada Koonfurta Sudan ay Kenya gelineyso xaalad adag, maadaama uu loolan adag kaga imanayo Dara-Salaam iyo Jabuuti.

“Waa inaan is weydiinaa, Uganda, Congo iyo hadda Koonfurta Sudan waxa dhammaantood ku qasbay inay ka tagaan dekedda Mombasa,” ayuu yidhi.

Wasiirka dhaqaalaha Koonfurta Sudan Abraham Mamer, ayaa sheegay in dekedda Jabuuti ay marin yar siin doonto badeecadaha ay dhoofineyso iyo kuwa u soo degaya Koonfurta Sudan.

Koonfurta Sudan iyo Jabuuti ma wadaagaan xuduud, waxaana u dhaxeeya Itoobiya. Dekedda cusub, ayaa waxaa Koonfurta Sudan ku xidhi doona waddo dhex-mareysa Itoobiya. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here