Jabuuti oo dhisanaysa waddo ku kacaysa $15 Milyan oo Dollar

0
858

Djibouti (Hargeisa Press)- Dowladda Jabuuti, ayaa waxaa ay daahfurtay mashruuc lagu dhisayo waddo wayn oo isku xidhi doonta gobolada Koonfurta ee dalkaas.

Mashruucan, ayay dowladda Jabuuti ujeedkiisa ku sheegtay horumarinta isku xidhka gobolka iyo horumarinta dhaqan-dhaqaale ee deegaanada ay mari doonto.

Qaar ka mid ah bangiyada maxalliga ah ee dalkaas, ayaa ah maalgaliyeyaasha mashruucan wadada isku xidha Doudoubalala iyo Dikhil. Djibouti SA iyo Salaam Bank, ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa bixin doona guud ahaan lacagta ku bixi doonta mashruucan oo ku kacaya $15 milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Mashruucan, ayaa waxaa la sheegay in ay gacanta ku hayso shirkad iyana maxalli ah oo lagu magacaabo Al Nasri, taas oo laga doonayo in ay ku dhamayso mashruucan muddo 8 bilood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here