Jaamacada Golis Faraceeda Laascaanood oo Maamusay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland

0
963

Hargeisa (Hargeisa Press) – Maamulka Jaamacadda Golis ee Faraca Magaalada Laascaanood ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed ku maamuusay Laba Shahaado-sharaf.

Masuuliyiintan ayaa Wasiirka laba shahaado-sharaf ku guddoonsiiyey Xafiiskiisa, kaddib markii uu halkaasi ku qaabiley, waxaanay uga mahad celiyeen taageerada uu u fidiyey Ardayda uu waxbarashada ka bixiyey iyo kuwo uu Dawladda hoose ee Laascaanood u amray in ay Fiiga ka bixiso.

Guddoomiyaha Jaamacada Golis qaybteeda Magaalada Laascaanood, Yuusuf Axmed Faarax oo isagu hoggaaminayey masuuliyiinta Wasiirka Shahaado-sharafyada gaadhsiiyey, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaaba uu Wasiir Kaahin kaga mutaystay maamuska ay siiyeen.

”Waxaan maanta halkan ku guddoonsiinayaa wasiirka arrimaha gudaha jamhuuriyada somaliland Maxamed Kaahin Axmed laba shahaado kuwaas oo uu nagaga mutaystey ka jaamacad ahaan, ka dib markii uu muddo saddex sano laga joogo uu nagala qayb qaatay munaasabad ay ku qalinjebinayeen arday dhamaysatay waxbarashada jaamacada, ka dibna uu ballanqaaday inuu ka bixin doono 5 arday lacagta lagu dhigto jaamacadda, kuwaas oo ah kuwa aan awoodin inay iska bixiyaan lacagta, isaga oo wasiirku waajibaadkaa si dadaal iyo hagarbax ay ku jirto u fuliyey , maantana ardaydaasu marayaan heerarkii gebagebaynta, iyadoo shahaadada kalena ay tahay isaga oo ku amray laba arday inay ka bixiso Lacagta dawlada hoose ee degmada laascaanood, iyada oo labadaas ardayna ay si la mid ah ballanqaadkoodii u fuliyeen dawlada hoose, si gaar ahna aannu ugu mahadnaqayo maayirka degmada laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale iyo xoghayahiisa oo si weyn xil isaga saarey daboolida labadaa arday lacagtooda waxbarasho”

”Sidaa awgeed annaga oo ka jawaabayna xilqaanka wasiirka ayaanu ka jaamacad ahaan abaalgud ah uga dhignay wasiirka shahaadooyinkan, waxaa kale oo mahadnaq naga mudan agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha Cabdi Axmed Nuur (Cabdigurey) oo si mahadnaq mudan ula socday mudadii uu ballanqaadkaasi na dhex marey anaga iyo wasaarada wax badana fududeeyey mudadaas”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Dhinaca kale, Guddoomiye Yuusuf waxa uu farriin u diray Ganacsatada, Siyaasiyiinta iyo dadka haldoorka ah ee ka soo jeeda Gobolka Sool, kuwaasoo uu kula taliyey in ay Ardayda danyarta ah ka taageeraan dhaqaalaha Waxbarashada, si lamida Wasiir Maxamed Kaahin.

Waxaanu yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya ”Dhinaca kale aniga oo ku hadlaya magaca bahda waxbarashada ee gobolka Sool iyo degmooyinkiisa, waxaan leeyahay masuuliyiinta ka soo jeeda deegaankaa, sida siyaasiyiinta, ganacsatada, qurbajoogta, madaxda, maamulka heer gobol iyo heer degmaba in ay ka bixiyaan ardayda dhamaysatay dugsiyada sare ee aan awoodin lacagaha heer jaamacaddeed, taas oo ah mid ku adag kuwa danyarta ah , sahashana inay halkaa kaga hadhaan waxbarashadaba iyaga oo ah kuwo u heellan waxbarasho inay sii wataan ha ahaatee dhaqaaluhu u saami waayo”.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa uga mahad naqay masuuliyiintan sida ay sharfeen, waxaanu balanqaaday in uu sii wadi doono wada shaqaynta ka dhaxaysa Jaamacadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here