Itoobiya oo diiday in Eritereya ka qeyb gasho ciyaaraha Bariga & Bartamaha Afrika (CECAFA)

0
857
CECAFA said it 'must respect' Ethiopia's position not to allow the Eritrean team into the country to play [AP]

HargeisaPress β€”Dawlada Itoobiya oo marti gelineysa Koobka kubada cagta ee Bariga Afrika CECAFA ayaa diiday in ay ciyaaraha sanadkan kasoo qeyb gasho kooxda ka socota dalka Eritereya.

 

Ururka CECAFA ayaa sheegay in dawlada Itoobiya ay si qayaxan u diiday in dalkeeda ay yimaadaan kooxda ka socota Eritereya oo ka qeyb geli lahaa ciyaaraha koobka Bariga Afrika oo dalka Itoobiya ka bilaabanay 21ka bishan November.

 

Nicholas Musonye oo ah Xoghayaha Guud ee ururka Kubada Cagta ee Bariga iyo Bartamaha ayaa sheegay in dhankooda ay ku khasban yihiin inay aqbalaan go’aanka kasoo baxay dowlada Itoobiya oo dagaal kala dhaxeeyo wadanka ay jaarka yihiin Eritereya.

 

CECAFA said it 'must respect' Ethiopia's position not to allow the Eritrean team into the country to play [AP]
CECAFA said it ‘must respect’ Ethiopia’s position not to allow the Eritrean team into the country to play [AP]

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhanka kale Ciyaartoyda dalka Eritereya ayaa sanadihii lasoo dhaafay waday inay baxsadaan markii ay u safrayaan ciyaaraha caalamiga ah. Sanadkii 2012, ayey Kooxda Mataleysay dalka Eritereya dhamaantood baxsadeen iyagoo qaxooti is-dhiibay ciyaarihii Koobka CECAFA oo sanadkaasi ka dhacayey dalka Uganda.
Ciyaaraha Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo sanadkan marti gelineyso Itoobiya ayaa lagu wadaa inay bilowdaan 21ka bishan November waxayna socon doonaan illaa 6da bisha December.

 

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here