‘Isticmaalka Telefoonkayga Casriga ah ayaa Dhaawacay Caafimaadkayga oo Dhan’ Adam Estes

0
2450

HargeisaPress — Nin suxufi ah oo la yidhaa Adam Estes, ayaa isticmaalka telefoonka casriga ah (smartphones) ka qaaday xannuuno neerfisyada ah, kuwaasoo kaga soo bilaabmay madaxa iyo luqunta, dhakhaatiirtuna u sheegeen in ay ka cabsi qabaan in xaaladiisu ka sii darto.

Mr. Adam ayaa sheegay in qaar ka mid ah rag ay qaraabo yihiin ay xaaladan oo kale ka qaadeen telefoonnada casriga ah, aakhirkiina la ogaaday in ay kansar qaadeen, sidaa darteed waxa uu aad uga cawdaa xannuun daran oo hadda haya.

“Waxa ay ila tahay sidii oo qof uu madaxa iga garaacay oo uu xadhig bir ah igala dhacayo, taasoo ah in neerfisyadu soo dirayaan farriin xannuunah oo madaxa iga haysta,” ayuu Adam ku qoray wargeyska Gizmodo, sida lagu daabaday wargeys la yidhaah Gizmodo oo HargeisaPress. soo xigtay.

Haddaba, kadib markii uu booqday dhakhaatiirta xannuunada neerfiysyada ku takhasusay (Neurologist) waxa uu Mr. Adam Estes ogaaday in moobaylkiisa casriga ah xaaladan ku keenay, taasina ay ka dhalatay foorarka badan ee uu ku fooraray telefoonka isticmaalkiisa sida dhakhaatiirtu u sheegeen, kadibna dhaawac soo gaadhay xadidada neerfisyada ee luqunta ku teedsan.

Xannuunka uu ka qaaday moobaylka oo dhakhaatiirtu ku sheegeen in la yidhaa Neuralgia waa mid keenta in neerfisyada madaxa, gaar ahaan qadaadka dambe ee mara xagga sare ee laf-dhabarta amma luqunta xagga ugu hoosaysa ay isku noqnoqdaan, kadibna xannuun badan la soo darso, aakhirkana qofku madax-xannuun darran uu yeesho.

Dhakhaatiirtu waxa ay kula taliyeen suxufigan inuu luquntiisa dhaqdhaqaaqa ka yareeo, isticmaalka telefoonkana iska daayo, iyadoo sida wargeyska Gizmodo daabacay khubaradu tilmaameen in kiisaska noocan ah ay ku arkaan dadka la qabatima telefoonnada casriga ah isticmaalooda,

Aakhirkii Mr. Adam wuxuu ogaaday in arrintan ay ku sababtay isagoo inta badan ku foorari jiray akhriska telefoonkiisa, ciyaarida ciyaaraha ku jira (Games) amma ka jawaabida farriimaha Email-ka ugu soo dhaca.

Cilmi-baadhi dhawaan soo baxday ayaa iftimisay in foorarka badan ee telefoonka laga qaado xannuuno madaxa ku dhaca oo aakhirka xaalad halis ah dhaliya.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY