Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Hargeysa Ku Soo Foolleh iyo Aragtidiisa Siyaasadeed Ee Cusub

0
833

Hargeysa, (HargeisaPress) — siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo muddo dheer ka maqnaa Somaliland, ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda ka soo dego madaarka Hargeysa ee Cigaal Airport.

Md. Buubaa ayaa wuxuu Hargeysa imanayaa ka dib markii uu ogolaaday hanaanka Somaliland ku rabto madaxbanaanida Somaliland oo uu muddo dheer ka soo horjeeday. Buubaa ayaa caddeeyay inuu ka shaqaynayo sidii Somaliland iyo Somalia u noqon lahaayeen dawladda walaala ah oo is garab degan.

Ismaaciil Hurre Buubaa, oo dhawr waraysi oo uu bixiyay taniyo markuu damcay inuu Somaliland yimaado lagu waydiiyay qorshihiisa fikirkiisii labaataneeyada sanno ee ahaa Soomaaliweyn ayaa sheegay inuu ka shaqaynayo sidii Soomaali wanaag loo dhex dhigi lahaa islamarkaana Somaliland iyo Somalia u kala madax banaanaan lahaayeen, isagoo ku dooday in ammaanka Somalia ku xidhan yahay Somaliland oo ay Somalia citiraafto.

Mudane Buubaa, ayaa dawladda Muqdisho ee uu muddada dheer quudaraynayay inay keento hanaan midnimo iyo horumar wuxuu ku tilmaamay mid ka gaabisay hawlaheeda, isagoo dhaliilay dawladdaha Africanka ah ee ay ku tiirsan tahay.

Ismaaciil Buubaa oo ka soo baxaya wadanka Qatar, waxa magaalada Hargeysa laga dareemayaa diyaar garow balaadhan oo lagu soo dhawaynayo isagoo hore wadanka Imaaraadka Carabta ugula kulmay Madaxweyne Siilaanyo.

Ismaaciil Buubaa oo dhinaca kale ah aqoonyahan ayaa wuxuu ka tirsanaa madaxdii ururkii SNM, waxaanu noqday wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii u horaysay ee Somaliland loo dhisay sannadkii 1991, balse wixii ka dambeeyay wuxuu dhawr xil oo wasiirnimo ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyay ee Somaliya isagoo ku sugnaa Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here